MIID & Malab by Gaanni, Maxammed

MIID & Malab

Buuggeennaan labadaa buugyare xambaarsan waxa uu ka sheekaynayo waa edeb uu qoraagu sheegay in uu ka soo...
$20.28 SGD
$20.28 SGD
SKU: 9781912411023
Product Type: Books
Please hurry! Only 378 left in stock
Author: Maxammed Gaanni
Format: Paperback
Language: Somali
Subtotal: $20.28
10 customers are viewing this product
MIID & Malab by Gaanni, Maxammed

MIID & Malab

$20.28

MIID & Malab

$20.28
Author: Maxammed Gaanni
Format: Paperback
Language: Somali
Buuggeennaan labadaa buugyare xambaarsan waxa uu ka sheekaynayo waa edeb uu qoraagu sheegay in uu ka soo minguuriyay dadkii hore, dabcan, sida aan dareemi karnana aan ka marnayn waayo-aragnimadiisii uu ka dhaxlay ku dhexjirkii iyo u adeegiddii hoggaamiyayaal kala duwan. Waxa uu buuggaan ka ga warramayo badi waa hagaajinta nafta iyo waxbariddeeda, sida aad madaxda ula dhaqmaysid oo weliba ku salaysan tii boqortooyada. Buuggaan waxa aynu ugu tegaynaa weero maahmaah noqon kara, murti gaammurtay oo qofkii u dhug yeesha ka saacidaysa in uu wanaajiyo habdhaqankiisa nafeed, bulsheed iyo siyaasadeed.
Waxaa xiise gaar ah leh laba arrimood oo uu si gaara u tilmaamayo oo aan mid ku sheegi karno in qaarkeed ay soo hoos galayso waxa maanta loo yaqaanno baratakoolka oo barid iyo tababbarba loogu qaato jaamacado iyo macadyo waaweyn, qaarkeeda kalana cilmiga siyaasadda. Waxa uu ina Muqafac buuggiisaan ka ga sheekaynayaa xiriirka ka dhexeeya qofka rafiiq la noqda qof xil uun haya ama golihiisa ka tirsan, sida ay tahay in uu isu badbaadiyo, in uu booskiisa xejisto iyo in uusan marna isu dhiibin wanaag uu mar ka arkay qof xil haya oo uusan isdhigan. Sida uu sheegay Ibnil Muqafic ma ay jirto bar cayiman oo u qof xil haya abidki ka ga raalli noqdo qof u dhow, ayna tahay in uu feejignaado oo uusan isku hallayn mid kore oo deetana mid hoose uu yaso ama mid hoose uu isku halleeyo oo uu mid sare maago. Inkasta oo uusan ku guulaysan in uu naftiisa ka bixiyo qof xil haya, dardaarankiisiin uusan si buuxda ugu dhaqmin, haddana waayo-aragnimadiisii hore ee arrintaa ku saabsanayd iyo in la heer ahba waa uu inoo dhiteeyay. Laga yaabee mararka qaar in aad u aragtid in uu guulwadannimo kuu diyaarinayo, ha se ahaatee waxaa taa beddelkeeda aad ka dheehan kartaa in madaxda xilka haysa ay u dulqaadan karaan guulwade qur ah, nafsiyaddooduna aanay aqbali karin cid wax uun ku diidda, sidaa darteedna qofkii doonaya in uu maamuus joogto ah ku yeesho ay tahay in uu ugu horrayn nacamleeyo. Waxaa isla qaybtaa siyaasadda uu ku sheegaya xilka saaran xilhayaha, habka uu ula dhaqmayo shacabka, saaxiibka, iyo cadowga. Haddii ay culaabtiisu ku sii cuslaato cidda ay tahay in uu magansado ee leh culumo, indheergarad iyo ehlu sharaf, aysan badbaadaduna ku jirin soo dhawaysiga ardaallada.
Tan labaadina waa waxa maanta ka sii idlaanaya dunida ee ah saaxiib aan ku dhisnayn manfac iyo danaysi, aadanaha casriguna ayba sii illaawayaan in saaxiibka ugu mudan ay tahay in uu noqdo saaxiib ah saaxiib ee aan ahayn saaxiib dani keento, dani dayriso, danina ay kaa hor keento. Saaxiib dhiig iyo dhacaan loo huro, dhaqan san iyo dhimrinna la gu dhawro, la gu la socdo, loo na sabro wixii ka yimaada ee aan loo bogin. Waxa uu inoo tilmaamayaa sida lagu xusho, kalsoonida lagu dhiso, la gu dhawro, asaga oo gebegabada inoo gu tusaalaynaya saaxiibkiisa ugu qaalisan dunida oo uusan inoo magacdhabin e, uu inoo ku sawiray sifooyin ina ku riixaya in aan ku taamno helidda saaxiib noocaas ah. Waxa uu buuggaani cashar fiican u yahay jiilka kacaamaya iyo kan sii duqoobayaba, wax badan oo hagaajinta habdhaqanka ahna waa uu ka saacidayaa.




Author: Maxammed Gaanni
Publisher: Looh Press
Published: 02/01/2024
Pages: 124
Binding Type: Paperback
Weight: 0.37lbs
Size: 8.50h x 5.50w x 0.29d
ISBN: 9781912411023
Language: Somali

Returns Policy

You may return most new, unopened items within 30 days of delivery for a full refund. We'll also pay the return shipping costs if the return is a result of our error (you received an incorrect or defective item, etc.).

You should expect to receive your refund within four weeks of giving your package to the return shipper, however, in many cases you will receive a refund more quickly. This time period includes the transit time for us to receive your return from the shipper (5 to 10 business days), the time it takes us to process your return once we receive it (3 to 5 business days), and the time it takes your bank to process our refund request (5 to 10 business days).

If you need to return an item, simply login to your account, view the order using the "Complete Orders" link under the My Account menu and click the Return Item(s) button. We'll notify you via e-mail of your refund once we've received and processed the returned item.

Shipping

We can ship to virtually any address in the world. Note that there are restrictions on some products, and some products cannot be shipped to international destinations.

When you place an order, we will estimate shipping and delivery dates for you based on the availability of your items and the shipping options you choose. Depending on the shipping provider you choose, shipping date estimates may appear on the shipping quotes page.

Please also note that the shipping rates for many items we sell are weight-based. The weight of any such item can be found on its detail page. To reflect the policies of the shipping companies we use, all weights will be rounded up to the next full pound.

Related Products

Recently Viewed Products